DFS oo cadaadis saartay saraakiil laga cabsi qabo inay ku biiraan mucaaradka Muqdisho.

18 April, 2026

Dowladda Somalia ayaa qaadday tallaabooyin aynku xakamaynayso dhaqdhaqaaqyada saraakiisha iyo ciidamada ay hayb-hoosaadka yihiin siyaasiyiinta mucaaradka…


Dowladda Somalia ayaa qaadday tallaabooyin aynku xakamaynayso dhaqdhaqaaqyada saraakiisha iyo ciidamada ay hayb-hoosaadka yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee laga shaki qabo inay kahor imaan karaan qorshaha Villa Somalia.

Dowladda Federaalka ayaa ciidan xoogan dul-dhigtay mid kamid ah xeryaha uu degan yahay Sarkaal sare oo katirsan ciidanka xoogga dalka, ka dib cabsi laga qabo in hub xeradisa kujira uu noqon karro mid ay siyaasiinta Madasha Samatabixinta u isticmaali karaan, in ay uga horyimaadaan damaca madaxweyne Xassan Sheikh ee sii joogida xukunka ka gadaal 15-ka May.

Ciidamo katirsan kuwa ay Turkida tababareen ee Gorgor loo yaqaan ayaa loo daabulay deegaanka Gubadley, gaar ahaana halka loo yaqaano Geed Timarka,  oo ay fariisin ku leeyihii ciidan uu xukumo Gen. Saneey Cabdulle oo ay Villa Somalia shaki ka qabto.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda mudda dhaafia hay’adaha dowladda iyo hanaanka doorasho ee ay waddo Villa Somalia ayaa qaadi doona dhabbe walba oo ay saamayn ugu yeelan karaan magaalada Muqdisho, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.