DFS oo cambaaraysay danjiraha Israel u magacday Somaliland.

16 April, 2026

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa si adag u cambaaraysay tallaabadii ay xukuumadda Israa’iil safiirka cusub…

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa si adag u cambaaraysay tallaabadii ay xukuumadda Israa’iil safiirka cusub ugu soo magacawday deegaamada maamulka Somaliland oo qayb ka ah Jamhuuriyadda Somalia.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ayaa lagu sheegay in Somaliland qayb ka tahay Somalia cidkasta oo hanaan diblumaasiyadeed ula macaamishana ay jebinayso shuruucda caalamiga ah.

“Dowladda Federaalku waxay si cad u diidaysaa isku day kasta oo lagu bixinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda; Somaliland waxay weli tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Cid kasta oo doonaysa in ay u muujiso inay tahay gaar waa mid aan sal sharci lahayn, kana hor imanaysa axdiga caalamiga”, Ayaa lagu yiri qoraalka.