DFS oo ciidamo horleh ku xoojinaysa sugidda amniga Dhuusamareeb.

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa bilowday inay ciidamo dheeraad ah ku daabusho Magaalada Dhuusamareeb ee…

28 May, 2026

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa bilowday inay ciidamo dheeraad ah ku daabusho Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Ciidamo dhawaan tababar loogu soo xiray deegaanka Xananbuure, ayaa la qorsheynayaa in hub loo qeybiyo si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo howlaha la xiriira qorshaha doorashooyinka ee dowladda Federaalka iyagoo ku biiri doona qaybta 21aad ee xoogga dalka.

Dowladda federalka ahe e Somalia ayaa doonaysa in guud ahaan maamulka Galmudug lagu qabto munaasabadda xisbiga JSP, xilli hoggaankiisa Galmudug laga reebay Madaxweyen Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in muddo xileedkii madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada uu dhammaaday ayna tahay in la qabto kaliya doorasho furan oo loo siman yahay aysanna suurtoobi doonin doorasho dhinac ka raran.

Dhanka kalena, qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal iyo siyaasiyiin reer Galmudug ayaa siweyn u qaadacay qorshaha dowladda federalka ah ee Somalia ee deegaamada Galmudug, waxayna sheegeen inaysan Dhuusamareeb ka dhici karin wax lamid ah wixii ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa siweyn u qaadacay qorshaha Villa Somalia ee faragelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed, iyadoo goluhu xusay in muddo xileedkii Madaxtooyadu dhammaaday ayna xukuumaddu leedahay fulin xaddidan.