Dowladda Soomaaliya oo weli ku adkaysanaysa qorsheheeda qabsashada deegaamo katirsan Jubbaland ayaa ciidamo horleh u dirtay…

Dowladda Soomaaliya oo weli ku adkaysanaysa qorsheheeda qabsashada deegaamo katirsan Jubbaland ayaa ciidamo horleh u dirtay gobolka Gedo oo ay ka taagan tahay xiisad dagaal.
Ciidamadaan oo maalmihii la soo dhaafay lagu ururinayey Magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan in loo daabulay deegaamo katirsan gobolka Gedo, si ay ugu biiraan hoggaanka Wasiir hore Cabdirashiid Janan.
Cabdirashiid Janan oo loo dhiibey hay’addaha amniga DFS ee gobolka Gedo maalmo kahorna gaarey magaalada Beled-xaawo ayaa qorshaynaya sidii uu gacanta DFS u soo gelin lahaa gobolka Gedo oo ay intiisan badan ku sugan yihiin ciidanka Jubbaland.
Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyey DFS inay qalalaase iyo colaad horleh ka abuurayso deegaamada Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo si ay uga hirgeliso doorashooyin aan heshiis lagu ahayn.



