Xaalad aad u cakiran ayaa ka taagan qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho oo uu ka socdey…

Xaalad aad u cakiran ayaa ka taagan qaybo kamid ah Magaalada Muqdisho oo uu ka socdey abaabulka dibad-bax looga soo horjeedo boobka dhulka iyo burburinta guryaha ay deggan yihiin dadka shacabka ah ee kunool degmooyinka gobolka Banaadir.
Ciidamo isugu jira boolis, NISA iyo milatari ayaa xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqyada mucaaradka iyo dadweynaha banaanbaxyada soo abaabuley.
Goobaha dhagxaanta iyo gaaadiidka waxaa kamid ah guriga Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guriga Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre oo kamid ahaa goobaha abaabulka ugu xooggan ee muddaharaadyada laga abaabulayey maalmihii la soo dhaafay.
Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin banaanbax hubaysan haseyeeshee ay ogoshahay dibax nabadeed oo ka dhaca kaliya garoonka ciyaaaraha Eng Yariisaw ee Magaalad Muqdisho.



