Wasiiro katirsan xukuumadda federalka ah ee Somalia iyo saraakiil ciidan ayaa ka qaybgalay munaasabad kooban oo…

Wasiiro katirsan xukuumadda federalka ah ee Somalia iyo saraakiil ciidan ayaa ka qaybgalay munaasabad kooban oo xarigga looga jarayey buundada deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, wasiirka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh, wasiirka gaashaandhigga Somalia Axmed Macalin Fiqi iyo wafuud kale ayaa ka qaybgalay xarig jarka buundada.
“Waxaan maanta ku faraxsanahay in lix bilood kadib aan xarigga ka jareyno Buundada Sabiib iyo Caanoole, cadowgiina ka adkaanay”, Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar.
Dhanka kalena, Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa ku bogaadiyey ciidanka xoogga dalka guulaha ay ka gaareen Alshabaab, wuxuuna tilmaamay in dibu-dhiska buundada Sabiib iyo Caanoole ay muujinayso heerka adkaysiga Somalia.
Dhankiisa Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Somalia Cali Xoosh ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab sii socon doono inta laga guulaysn doono,“Maanta waxaan joognaa xarig jarka Buundada Sabiib iyo Caanoole, halgankaana waan ku jireynaa ilaa aan ka guuleysano.”



