DFS oo dardargelinaysa doorashada Galmdudug & Xamse oo gaarey Dhuusamareeb.

24 June, 2026

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa bilwoday dardargelinta qorsheheeda ku aadan doorashooyinka ay ka qabanayso deegaamada…

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa bilwoday dardargelinta qorsheheeda ku aadan doorashooyinka ay ka qabanayso deegaamada dowlad-goboleedka Galmudug, kaddib is-afgarad siyaasadeed oo la sheegay inuu dhexmaray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo madaxda Villa Soomaaliya.

Ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa HM u xaqiijiyey in Villa Somalia ay dhisayso ganacsade Liibaan Axmed si uu u noqdo musharraxa xisbiga JSP ee Galmudug, iyadoo qorshahan uu qayb ka yahay diyaarinta doorashooyinka maamulkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Somalia Xamse Cabdi Barre, ayaa gaarey Magaalada Dhuusamareeb si uu u dhammaystiro heshiiska Villa Somalia iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay waddo hannaan doorasho oo horay loogu sii diyaarinayo hoggaamiyeyaasha la dooranayo, iyagoo ku tilmaamay nidaamkaasi mid aan si dhab ah uga turjumayn doorasho xor ah.