DFS oo deeq bixiyaasha caalamka u dirtay codsi la xiriira isbeddelka cimiladda

Published: November 30, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdirahman Cabdishakur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo waxaa diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada iyo haqab-beelka cuntada.

Sidoo kale fadhiga waxaa looga arinsanayaa barakaca oo saameyn weyn kuleh dalka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero Soomaaliya la qabsiga isbeddelka cimiladda.

Horseed Media