DFS oo eedayn u jeedisey xubno katirsan wakiilada caalamka.

18 April, 2025

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliyaa ku eedaysay xubno katirsan wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya inay taageeraan…

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliyaa ku eedaysay xubno katirsan wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya inay taageeraan kooxaha nabaddiidka ah ee ku sugan qaybo kamid ah gobolada dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in qaar kamid ah xubnaha beesha caalamku ka caga jiidayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

“Runtii maalmahaan dambe dagaalka khawaarijtu dadka qaar wuxuu u noqday mashruuc laakiin dadkii Soomaaliyeed ayaa dhiigoodii qubanayaa, siyaasadda waa lagu kala aragti duwanaan karaa laakiin wiilasheenu kaftan ma geli karaan, juhdigii dowladda iyo shacabku wuxuu qasbay in la nadiifiyo dadkii gafanayaasha ahaa”, Ayuu yiri wasiir Fiqi.

Markale wasiir Fiqi ayaa yiri,”Kuwa Soomaalida ah waa naqaan sida loola macaamilo laakiin waxaa jira kuwa ajaaniib ah oo loo soo diray nabadda Soomaaliya inay qayb ka noqdaan, oo uu kamid yahay sii hayaha xafiiska AUSOM, wuxuu caadaystay inuu si muuqata u noqdo taageere Alshabaab iyo mucaarad dowladda, qof xaasid ku ah horumarka Soomaaliya”.