DFS oo faahfaahin ka bixisay sababtii loo celiyey Sheekh Shariif & Rooble.

13 February, 2026

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa fiidnimadii xalay laga horjoogsadey inay gudaha u galaan Xeyndaabka Xalane si ay halkaa uga qeybgalaan kulan gaar ah oo ay yeelan lahaayeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Tallaabadaan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada Somalia iyo kuwa NISA oo gelinkii dambe ee shalay la geeyey waddooyinka soo gala Xalane, Madaxtooyada iyo goobo kale oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Somalia ayaa lagu sheegay inaysan jirin diidmo rasmi ah haseyeeshee ay mas’uuliyiintu diideen habraacyadii dhanka ammaanka ee horay loogu heshiiyey.

Dhankiisa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyey falkaasi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay shirka Muqdisho ayna Madaxweynaha ka sugayaan inuu xaqiiqda wajaho.