22 April, 2020
Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Federaalka ayaa maanta soo saartay go’aamo khuseeya masaajidada dalka,…
Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Federaalka ayaa maanta soo saartay go’aamo khuseeya masaajidada dalka, go’aanadaasi oo wax lagaga qabanayo ka hortega cudurka Covid-10.

Wasaaradu waxay ogolaatay in Salaadaha lagu oogo masaajidada hase yeeshee waxay soo saartay shuruudo la doonayo inay raacaan immaamyada iyo dadka ku tukanaya Masaajidada.
Go’aamada ayaa waxaa ka mid ah:
- Waxaan xaaraan ah in qof cudurka Covid-19 qaba ama isaga shakisan uu qarsadmama yimaado masjidka
- Dadka nugul iyo dadka qaba cudurrada lala noolaado sida Sonkorta, dhiig-karka Kalyon xanuunka waa inay guryahooda ku tukadaan
- Suuliyada masjidka iyo Weysaqaadka in la xiro qof walbana uu gurigiisa kasoo weyssayt
- In dadka masaajidka ku tukunaya ay kala fogaadaan xilliga Salaada, isina jirsadaan mudn hal Muturi
- Tirada ku tukuneysa Masaajidka oo la koobo
- Qof walba gurigiisa waa inuu ka soo qaato salli ama cimaamada uu dhigto si uu ugu sujuudo.
- In qof kasta oo Masjidka ku soo tukanaya uu afka iyo Sankad ku soo xirto Maro (maskak
- In Masaajida loogu tabarucuo faraxalka Jeermis dilaha ah.
- In masaajidda loogu tabaruco qalabka lagu baaro heer kulka qandhada qofka, lana baaro dadka soo galaya Masjidka.
- In La Gaabiyo waqtiyada khudbadda jjimcada aysana ka badan muddo 15 daqiiqo ah
- In Xilliyada salaadaha waajibka ah la isku xijiyo Aadaanka iyo Aqimka
- In aysan Imaanin Masaajidda dadka qufacaya ama DAreemaya inay xanuunsanyihiin.
- In inta aan la Xiran salaada waa inay imaamyadu ku wacyigeliaan Jaamacada Masjidka Taooyinka caafimaad ee la gudboon qofka Qufaca ama hindhisada xiliga ala tukknayi
- In Waqti kooban immaamyada iyo Culumada ay wacyigelin u sameeyaan dadka ku soo tukaday Masjidka
- In Salaada ka dib laga dareero masaajidda
- In la joojiyo dhammaan duruusta diiniga ah
- in dadka inta ay joogi karaan guryahooda ay joogaan



HORSEEDMEDIA