Wararkii ugu dambeeyey ee laga helay Xerada Xalane ayaa sheegaya in madaxda dowladda federalka ah ee…

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helay Xerada Xalane ayaa sheegaya in madaxda dowladda federalka ah ee Somalia ay aqbaleen in la fasoxo ciidamadii ilaalada Madaxda Puntland iyo Jubbaland ee shalay laga celiyey Muqdisho.
Tallaabdaan ayaa timid kadib cadaadis madaxtooyada Somalia kaga yimid beesha caalamka iyo hoggaanka sare ee mucaaradka oo eedaynta fashilka shirka dusha ka saaray hoggaanka dowladda federalka ah ee Somalia.
Dhanka kalena, waxaa socda dedaalo dheeraad ah oo lagu qaboojinayo xiisadda siyaasadeed ayna hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka, si loo helo xal waara oo lagu dhammeeyo khilaafka taagan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ergo ahaan u soo dirsaday Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ganacsade Mursal Kadiye iyo xubno kale, kuwaas oo wadahadallo la yeeshay dhinacyada siyaasadda, oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



