DFS oo furtay 52 waddo oo xirnaa in ka badan 15 sano.

4 October, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta furtay ilaa 52 waddo oo ka mid ah waddooyinka caasimadda Muqdisho,…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta furtay ilaa 52 waddo oo ka mid ah waddooyinka caasimadda Muqdisho, kuwaas oo qaar ka mid ah xirnaayeen muddo ka badan 15 sano sababo amni dartood. Furitaanka waddooyinkan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dib loogu soo celinayo isku socodka iyo nolosha caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay qorshahan, isaga oo sheegay in go’aankan uu ka tarjumayo isbeddelka iyo horumarka muuqda ee laga gaaray dhinaca amniga Muqdisho.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in xiritaanka waddooyinka aysan ahayn xal waara oo lagu sugayo amniga, balse lagu gaari karo nabad waarta marka la ciribtiro argagixisada iyo sababaha keena khatarta amni. Wuxuu xusay in shacabka iyo dowladda ay tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan gelisay xoojinta amniga iyo dib u habeynta hay’adaha amniga, si loo helo deegaan nabdoon oo u fududeeya bulshada ganacsiga iyo nolol maalmeedka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay ciidamada amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Muqdisho, isagoo ku booriyay in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo ilaalinta amniga si caasimaddu u noqoto meel furan oo ammaan ah.