DFS oo Hubka ka mamnuucday in lagu dhex wato Garbahaarey

16 August, 2025

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in taliska guutada tobnaad ee ciidanka dowladda federaalka uu…

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in taliska guutada tobnaad ee ciidanka dowladda federaalka uu mamnuucay in hub lagu dhex wato magaalada Garbahaarey gaar ahaan marka askartu ku jiraan fasax ama arrimo shaqsi ah.

Amarka ayaa sidoo kale faraya in ciidamada aysan ridi karin rasaas amar la’aan ah iyadoo la sheegay in askari jebiya xeerkan lasoo taagi doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Taliyaha guutada tobnaad Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorrax ayaa xusay in dhacdo hore ay keentay dhimashada haweeney ka naxday rasaas aan cidna ku dhicin taas oo sababtay in amarkan cusub la adkeeyo.

Wuxuu sheegay in hubka iyo rasaasta dowladdu ku bixiso qarash badan sidaas darteedna aan loo oggolaan doonin in si aan micno lahayn loo adeegsado loona baahan yahay masuuliyad adag.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada xoogga dalka ay ku hawlan yihiin xaqiijinta amniga gobolka Gedo xilli weli ay taagan tahay xiisadda kala dhaxaysa maamulka Jubbaland gaar ahaan kaddib dagaalkii Beledxaawo oo muujiyay sida dowladda federaalka u dooneyso in gobolka Gedo oo dhan ay gacanta uga saarto maamulka Jubbaland.