DFS oo ka digtey shuruud lagu xiro gogoshii uu dhigay Madaxweyne Xasan Sh.

10 June, 2025

Xukuumadda federlaka ah ee Somalia ayaa qaadacday shuruudaha hordhaca ah ee xubnaha mucaaradku ay ku xireen…

Xukuumadda federlaka ah ee Somalia ayaa qaadacday shuruudaha hordhaca ah ee xubnaha mucaaradku ay ku xireen imaanshaha gogosha mucaaradka iyo madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia.

Wasiirka caddaaladda xukuumadda federalka ah ee Somalia Xasan Macalin oo Madaxweyne Xasan Sheekh u igmaday diyaarinta gogoshada mucaaradka iyo dowladda ayaa caddeeyey in dowladdu dhigtay gogoshii ay dalbadeen ayna dhammaan casumaduhu gaareen dhammaan madaxdii loogu talagalay.

“Aragtiyada xukuumadda ee dalka looga gudbinayo marxaladaha adag waxay keenaan in dadka qaarkiis ay ka soo horjeensadaan oo ay u cuntami waayeen, waxaan diyaarinay doorashooyin loo dhanyahay iyo ammaan laysku hallayn karo”, Ayuu yiri wasiir Xasan Macalin.

Ugu dambayntiina wasiirka ayaa sheegay in gogshaan loo fidiyey dhammaan daneeyayaasha shirka isla markaan aysan jirin koox gaar ah oo shirka lagu casumey, wuxuuse meesha ka saaray in wax shuruud ah lagu xiro ka qaybgalkeeda, isagoo intaasi ku daray in wixii tabasho ah gogosha bilowgeeda lagu soo bandhigo.

“Shirkaan laguma casuumin koox gaar ah, gogol wax ka horrayn karana ma jiraan ama shuruud lagu xiri karo ee marka hore waa in la yimaadaa”, Ayuu yiri wasiirku.