DFS oo ka gaabsatay sheegashada Markab hub u sidey Muqisho oo Puntland qabatay.

19 July, 2025

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka gaabsatay sheegashada iyo ka hadalka Markab hub iyo gaadiid…

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka gaabsatay sheegashada iyo ka hadalka Markab hub iyo gaadiid dagaal u sidey Muqdisho oo gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay xeebaha Bari ee Puntland.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa la wadiiyey su’aal ahayd,”Hub ay leedahay dowladda Soomaaliya ayaa lagu qabtay Puntland maxaa kaga jawaabaysaa?

Wasiirka ayaan wax jawaab ah ka bixin su’aasha la waydiiyey ee la xiriirtey qabashada Markabka Sea World oo maanta ku xiran doona dekedda Magaalada Boosaaso, kadib markii ay shalay gacanta ku dhigeen ciidanka badda Puntland ee PMPF.