DFS oo ka hadashay ciidamadii ka baxay Puntland ee gaarey Laascaanood.

15 January, 2026

Wasaararadda gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay in cutubyo katirsan ciidanka Danab ee Puntland,…

Wasaararadda gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay in cutubyo katirsan ciidanka Danab ee Puntland, kana amar qaata dowladda federalka ah ee Somalia ay gaareen Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Somalia ayaa lagu sheegay in ciidankaani oo uu hoggaaminayo Gen. Jimcaale ay u yimaadeen Laascaanood sugidda amniga Madaxweynaha Somalia iyo wafuudda uu hoggaaminaayo.

“Cutubyadaan ciidanka ah waxay qayb ka qaadan doonaan sugidda amniga guud iyo u diyaargarowga soo dhoweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo lagu wado in ay gaaraan caasimadda Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Laascaanood”, Ayuu lagu baahiyey baraha bulshada wasaaradda gaashaandhigga Somalia.

Dhanka kalena, waxaa gaarey Laascaanood ciidamo katirsan kuwa PSF oo ka mushahar qaata dowladda Somalia, inkastoo aan loo samayn soo dhaweyn lamid ah middii Laascaanood loogu sameeyey ciidanka Danab ee ka baxay Magaalada Garoowe.

Dowladda federalka ah ee Somalia oo doonaysa inay saamayn xooggan ku yeelato gudaha Puntland ayaa muddooyinkii dambe ciidamo ka qoranaysay gudaha Puntland, waxaana qorshahaan gadaal ka riixaya siyaasiyiin ka soo jeedda deegaamada Puntland.