War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa…

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaaraysay fal arxan darro ah oo lagula kacay gabar yar oo 11 jir ah, kaas 30-kii Oktoobar ka dhacay degmada Xingalool.
Xukuumadda ayaa sheegtay in falkaasi uu yahay mid ka dhan ah bni’aadanimada, isla markaana si cad u burinaya xuquuqda carruurta ee ay u leeyihiin in ay ku noolaadaan busho nabad ah oo ka xor ah tacaddiyada iyo xadgudubyada.
Dowladda Federaalka ayaa uga mahadcelisay xukuumadda iyo ciidanka Booliska Puntland dadaalka ay muujiyeen ee ku aadan qabashada eedeysanayaal loo haysto kiiskan, iyadoo ku boorisay hay’adaha caddaaladda in eedeysanayaasha si degdeg ah loo hor keeno sharciga.




