Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay in dib loo soo celiyey agabkii…

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay in dib loo soo celiyey agabkii iyo raashinkii lagala baxay kaydka raashinka hay’adda WFP ee gudaha dekedda Magaalada Muqdisho.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa lagu sheegay in hadda kaddib ay dowladdu ballanqaadayso daahfurnaan iyo isla-xisaabtan, si looga hortago wixiii hore u dhacay oo kale.
Dowladda Maraykanka ayaa hore u sheegtay in dib u soo celinta gargaarka ay ku xirnaan doonto tallaabada ay qaaddo dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay joojisay dhammaan kaalmooyinkii gargaar ee ay siinjirtey Somalia.





