Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay maamul u aqoonsan tahay SSC…

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay sheegtay inay maamul u aqoonsan tahay SSC KHATUMO, kadib socdaal ay Laascaanood ku tageen wafti uu hoggaaminayo RW Somalia.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in SSC-khaatumo ay tahay maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC-khaatumo tahay maamul Soomaaliyeed oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya mana ahan meel lagu muransan yahay, sidaasi darteed dhammaan saaxiibada Soomaaliya waxaa ku waajib ah in ay si lamid ah maamullada kale Khaatumo ula dhaqmaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli sanad iyo bilo kahor Laascaanood xoog looga saaray ciidankii maamulka Somaliland oo ku sugnaa muddo ka badan 17 sano.



