Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay xukuumadda Puntland inay ka gaabisay waxka qabashada xaaladaha…

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay xukuumadda Puntland inay ka gaabisay waxka qabashada xaaladaha bulsho ee deegaamada Sool iyo Sanaag oo ay katirsanaayeen muddo 27 sano ah.
Wasiirka ganacsiga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Geesood ayaa sheegay in fashilka waxqabad la’aanta Puntland uu sababay in dadka deeagaamdaasi ay danohooda ka arrinsandaan sida uu hadalka u dhigay.
“Sool iyo Sanaag waxa loo wadaa in maamul ay u dhan yihiin loo dhiso; Puntland 27 sanno ayey u talinaysay farmasi kama samayn, maaha in ay maanta carqaladayso in dadku isku-tashado”, Ayuu yiri Wasiir Geesood.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiin xiriir laleh DFS ay dhaqdhaaqyo ciidan iyo kuwa siyaasadeed ka wadaan gobolada Sanaag iyo Haylaan, iyadoo Puntland DFS ku eedaysay hurin colaadeed.