Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, iyadoo…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, iyadoo shaacisay in ciidamada qaranka ay diyaar u yihiin inay mustaqbalka ka howlgalaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa, ayaa wareysi uu siiyay Al Jazeera ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalka, aysanna Somaliland ahayn dal ka madax-bannaan Soomaaliya, balse ay tahay gobol ka tirsan dalka oo aan laga goyn karin.
Cabdullaahi Warfaa ayaa tilmaamay in dowladda federaalku ay u aragto Hargeysa iyo Berbera magaalooyin Soomaaliyeed oo ka tirsan dhulka qaranka, isla markaana ciidamada Soomaaliya ay xaq u leeyihiin inay ka howlgalaan marka ay duruufuhu saamaxaan, isagoo intaas ku daray in arrintaasi qayb ka tahay dadaallada lagu sugayo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyadoo Somaliland ay tan iyo sanadkii 1991-kii ku doodayay inay tahay dal madax-bannaan, inkastoo aanay helin aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.




