Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Maxamuud Macallin ayaa ku wareejiyay lacag dhan $700,000 Guddiga Gurmadka…

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), Maxamuud Macallin ayaa ku wareejiyay lacag dhan $700,000 Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolka Awdal, Lacagtan ayaa loogu talagalay dadka ay sida daran u saameysay abaaraha ka jira gobolkaas.
Dowladda federaalka ayaa sheegtay in deeqdan ay tahay “dhiig-joojin degdeg ah” oo lagu yareynayo dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha daba dheeraaday, Waxaa dhaqaalahan laga bixiyey sanduuqyada Dowladda hoose Muqdisho iyo Xukuumada dowladda federaalka.
Guddoomiyaha SODMA ayaa ugu baaqay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Awdal in ay si degdeg ah dadka loogu talagalay u gaarsiiyaan isagoo sheegay in lacagtu aan lagu hakeyn.
Gobolka Awdal ayaa la daalaa dhacaya abaaro culus kadib markii labadii sano ee u dambeeyay gobolkan uusan helin roobab ku filan taas oo keentay saamayn nolol xumo.
Dowladdu waxay sheegtay in deeqdan ay yareyn karto culayska hada jira haddana ay weli jirto baahi weyn oo u baahan taageero dheeri ah iyo qorshe waqti dheer ah.



