DFS oo lagu wareejiyey Qalab looga hortago Qaraxyada.

11 September, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyey qalab iyo gaadiid casri ah oo loogu talagalay ka…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyey qalab iyo gaadiid casri ah oo loogu talagalay ka hortagga walxaha qarxa ee la farsameeyo (C-IED). Qalabkan ayaa loo hibeysay Ururka Sancada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa inuu gacan ka geysto xoojinta badqabka iyo tayada howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay munaasabadda lagu wareejinayey qalabkan, isagoo sheegay in tallaabadani ay muujineyso taageerada joogtada ah ee Ingiriisku siiyo Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in qalabkani muhiim u yahay badbaadada ciidamada iyo kordhinta awooddooda hawlgal.

Munaasabadda lagu qabtay Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King kaas oo si rasmi ah u wareejiyay qalabka iyo gaadiidka. Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in qalabkani yahay mid muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada istiraatiijiga ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Wuxuu xusay in iskaashigan uu laf-dhabar u yahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni, isla markaana uu horseedi doono mustaqbal waara.

Qalabkan casriga ah ee lagu wareejiyey ciidamada ayaa lagu wadaa in si toos ah loogu adeegsado howlgallada lagula dagaallamayo walxaha qarxa iyo khataraha kale ee amni, taas oo lagu tilmaamay guul weyn oo lagu xoojinayo awoodda difaac ee dalka.