Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa markalee Puntland ku eedaysay inay afduub u geysatey Markab ay…

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa markalee Puntland ku eedaysay inay afduub u geysatey Markab ay sheegtay inuu sifo sharci ah ku maraye xeebaha Bari ee gobolka Raas-casayr.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in markabka Sea World uu haystay ogolaansho sharci ah, inkastoo uu ka gaabsaday nooca hubka uu sidey, cidda leh iyo ujeedka laga lahaa.
“Markab sharci ku socda oo badda maraya ayaa la qabsanayaa oo qaniimo lagu tilmaamayaa ceeb weeye; Federaalku ceeb ma leh laakiin si qaldan ayaan u adeegsanaynaa oo daba-dhilifnimo ah”, Ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Markabka Sea World ayaa asbuuc ka badan ku xiran dekedda Boosaaso kadib markii ay gacanta ku dhigeen ciidanka amniga badaha Puntland iyadoo hubka iyo gaadiidka saaran ay u soo bexeen sheegashooyin kala duwan.



