DFS oo maxaabiis u kala wareejinaysa Somaliland iyo SSC KHATUMO.

14 April, 2025

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay maxaabiis isku dhaafsanayaan maamulka Somaliland iyo maamulka…

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay maxaabiis isku dhaafsanayaan maamulka Somaliland iyo maamulka xalay dowlad goboleedka loo aqoonsaday ee SSC KHATUMO.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa hoggaamiyaha SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali u gudbiyey in lagu wareejiyo galka 50 maxbuus oo loo kala wareejin doono.

Hoggaamiye Firdhiye oo qorshahaan u gudbiyey golaha wakiilada maamulka SSC KHATUMO ayaa sheegay inay tahay arrin ay isku raaceen maamulka iyo isimada dhaqanka loona baahan yahay in goluhu go’aan ka gaaro.

Xubnaha golaha wakiilada ayaa aqbalay dalabkaan haseyeeshee tirada wajiga 1aad ee Maxaabiista ka dhigay 25 xubnood, waxaana lafilayaa in arrintaan ay siweyn uga shaqayn doonto hay’adda bisha Cas.