DFS oo muddaysay doorashooyinka Galmudug & Hirshabeelle xilli mucaaradku qorshe soo jeediyeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddeysay in doorashooyinka maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle la qabto 30-ka bisha 9-aad…

1 September, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddeysay in doorashooyinka maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle la qabto 30-ka bisha 9-aad ee 2026, iyadoo tallaabadan lagu soo gabagabeynayo hannaanka doorashooyinka dowlad-goboleedyada, xilli dhawaan Maxkamadda sare laashay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka iyo barlamaanka Galmudug.

Doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa noqonaya wejigii ugu dambeeyey ee doorashooyinka dowlad-goboleedyada, kaddib markii horay looga soo qabtay deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir, inkastoo ay jiraan walaacyo iyo doodo siyaasadeed oo ku saabsan habka loo maamulayo doorashada dalka.

Dhanka kale, kudlooyinka mucaaradka gaar ahaan Golaha Mustaqbalka, Nabad & Nolol iyo Midnimo-qaran, ay si guud ugu soo dhowaadeen ama ay aqbaleen in dalka loo gudbo doorasho toos ah oo ay maamusho hal guddi doorasho, iyadoo Beesha Caalamkuna ay door ka qaadaneyso korjoogteynta hannaanka.

Majiro war rasmi ah oo ka soo baxay DFS, mucaaradka iyo wakiilada beesha caalamka oo ku aaddan in xilliga rasmiga ah yahay mid laysku waafaqsan yahay xiriirna laleh doorashooyinka guud ee dalka.