DFS oo nasiib-darro ku tilmaantay falkii lagu celiyey diyaaradihii ciidanka.

3 February, 2026

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo ka duulaysa mas’uuliyadda qaran ee ka saaran ilaalinta midnimada dalka, wada-jirka…

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo ka duulaysa mas’uuliyadda qaran ee ka saaran ilaalinta midnimada dalka, wada-jirka bulshada Soomaaliyeed, iyo xoojinta hannaan wada-tashi ku dhisan, waxay mar kale adkaynaysaa in gogosha wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay fidsan tahay.

Guddiga farsamada ee dowladda federaalka waxa uu sameeyay gogol-xaadh balaaran, wuxuuna wadatashiyo la yeeshay wax-garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kulamo dhawr ahna la galay guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo aan isla meeldhignay dhammaan habraacyadii farsamo ee uu shirku ku qabsoomi lahaa.

Waxaase nasiib darro ah dhacdadii dhacday 1-dii Febraayo 2026 iyo dib u dhicii ku yimid qaar ka mid ah wufuuddii Golaha Mustaqbalka.

Dowladda Federaalka waxay ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay in dhammaan arrimaha jira lagu xalliyo wadahadal, is-afgarad iyo ixtiraam ku dhisan danta guud, lana tixgalinayo xaaladaha bini’aadannimo iyo la dagaallanka argagixisada ee dalka, waxay si xushmad iyo kalsooni leh ugu baaqaysaa dhammaan xubnaha ay khusayso in ay ka wada qeyb-qaataan geeddi-socodka wadahadallada, si loo xoojiyo nabadda, wada-jirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.