Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa ka qabsoomay shir ay isugu yimaadeen qaar kamid ah…

Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa ka qabsoomay shir ay isugu yimaadeen qaar kamid ah madaxda dalalka Africa ee ay xilligaan ciidankoodu ka hawlgalaan gudaha Somalia.
Hoggaamiyayaasha ayaa ka arrinsanayey qaabaynta hawlgalka AUSSOM, qorshaha ciidanka cusub loogu kordhinayo hawlgalka iyo sidii taageero dhaqaale loogu raadin lahaa hawlgalka Midowga Africa ee AUSSOM.
Lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Somalia Xuseen Macalin Maxamuud oo shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa muujiyey sida uu shirkaani muhiimka ugu ahaa la dagaalanka Alshabaab, Sidii ciidanka Somalia loogu diyaarin lahaa inay ammaanka dalka la wareegeen iyo sidii dhaqaale loogu raadin lahaa hawlgalka AUSSOM.
“Ujeedka hawlahaan oo dhan waxay tahay sidii ciidamada Soomaaliyeed loogu diyaarin lahaa inay la wareegaan ammaanka dalka iyo sidii beesha caalamku u xoojin lahayd taageerada hawlgalka AUSSOM”, Ayuu yiri Xuseen Macalin.