Boqolaal kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446 gudanaya waajibaadka Xajka ayaa gaartay dalka Sucuudiga halkaas…

Boqolaal kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446 gudanaya waajibaadka Xajka ayaa gaartay dalka Sucuudiga halkaas oo soo dhoweyno kala duwan ay ugu sameeyeen Madaxda qunsuliyadda iyo Mas’uuliyiin kale.
Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa gaareysa 11,500 oo ruux, kuwaas oo ka baxaya garoomada diyaaradaha magaalooyinka waawayn ee dalka, taas oo qaadistoodu ay socon doonto illaa 31-ka bishan May.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo kaashanaysa guddiga Xamlada iyo Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeyneysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si hufan u gutaan waajibaadka xajka ee sanadkan 1446.



