DFS ayaa shaaca ka qaadday in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, habeenimadii xalay…

DFS ayaa shaaca ka qaadday in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, habeenimadii xalay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay, oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn uguna muhiimsan Alshabaab.
Ciidamada ayaa beegsaday xarumo ay deggenaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana intii uu hawlgalku socday lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad halkaas ku sugnaa.
Dhanka kalena, ciidamada ayaa burburiyay idaacad ku hadasha afka Khawaarijta oo ku taallay deegaankaas, waxaana warbixinta lagu sheegay in hawlgalku guul ku soo dhammaaday.
Hawlgalkan ayaa imaanaya iyadoo laba maalmood ka hor gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda, isla markaana shalay lagu jabiyay Khawaarijta duullaan ay kusoo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.



