DFS oo shaacisay in 27 xubnood oo AS lagu diley hawlgallo ka dhacay Jubbaland.

Ciidanka dowladda federalka ah ee ku sugan deegaamada Jubbaland iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa howlgal ballaaran…

14 April, 2026

Ciidanka dowladda federalka ah ee ku sugan deegaamada Jubbaland iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga socda deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, waxaana ka mid ah goobaha ay ciidamadu cagta mariyeen deegaannada Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.

Intii ay socdeen howlgalladan dhulka ah, waxaa barbar socday duqeymo dhanka cirka ah oo ay taageerayeen saaxiibbada caalamka, iyadoo lagu diley 27 xubnood oo katirsan Alshabaab.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo miinooyin ay argagixisadu damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.