Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka sheegatay dagaaladii ugu dambeeyey ee ciidanka deegaanka…

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka sheegatay dagaaladii ugu dambeeyey ee ciidanka deegaanka iyo kooxda Alshabaab ku dhexmaray deegaamo katirsan xuduudka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la diley xubnihii Alshabaab u qaabilsanaa duqaymaha magaalada Muqdisho iyo in ka badan 120 dagaalame oo katirsanaa kooxdaasi.
“Ninkii masuulka ka ahaa Hoobiyayaashii Muqdisho lagusoo tuuri jiray ilaa 2023-kii iyo 120 xubnood oo AS ah ayaa la dilay,Reer Hiiraan dagaal xaq ah ayey ku jiraan waana garab taaganahay”, Ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Xoogagga deegaanka, ciidanka maamulka Hirshabeelle iyo kuwa xoogga dalka ayaa weli wada abaabul xooggan oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan degmada Aadan Yabaal oo kamid ah goobaha ugu muhiimsan ee ka baxay gacanta dowladda 2025.



