Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka ay soo gabagabeeyeen hawlgal socday 48 saacadood, kaas…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka ay soo gabagabeeyeen hawlgal socday 48 saacadood, kaas oo lagu bartilmaameedsanayay maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay inay doonayeen inay qalalaase amni ka abuuraan magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in kooxahan hubeysan ay galeen xaafado ka tirsan caasimadda, isla markaana ay weerarro ku qaadeen ciidamada booliska iyo shacabka, iyagoo adeegsanayay hub culus. Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay si taxaddar leh ula tacaaleen xaaladda, islamarkaana ay hubka ka dhigeen maleeshiyaadkii lagu eedeeyay falalkaas.
Sidoo kale, dowladda ayaa ku eedeysay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xasan Cali Khayre iyo Shariif Sheekh Axmed inay ka dambeeyeen abaabulka maleeshiyaadka, iyadoo sheegtay in hay’adaha ammaanka iyo garsoorku bilaabeen baaritaanno rasmi ah. Dowladda waxay intaas ku dartay in cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha falalkaasi la horgeyn doono cadaaladda.
Dowladdu waxay ku adkaysatay in aysan aqbali doonin jiritaanka maleeshiyaad iyo hub sharci-darro ah, iyadoo xustay in ciidamada qaranka oo keliya ay xaq u leeyihiin inay haystaan hub sharci ah. Waxa kale oo ay uga digtay shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lug leh falalka amni-darrada ah inay ka waantoobaan tallaabooyinka noocaas ah, haddii kalena ay wajihi doonaan tallaabooyin sharci.





