DFS oo shaacisay inay doorashooyin ka qabanayso Puntland & Somaliland.

11 May, 2026

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay inay doorashooyin qof iyo cod ah ka qaban doonto…

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa shaacisay inay doorashooyin qof iyo cod ah ka qaban doonto deegaamada maamulka Somaliland oo shaaciyey inuu ka goostay Somalia iyo Puntland oo aysan ka shaqayn awaamiirta dowladda federalka ah ee Somalia.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka DFS Cabdikariim Axmed Xasan ayaa u sheegay warbaahinta in horay doorashadii golayaasha deegaanku uga dhacday labadaasi maamul haseyeeshee ay ka qaban doonaan doorashada madaxtinimada, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan qaban doonaan doorashooyinka maamulada Puntland iyo Somaliland, horay waxaa uga dhacay doorashada golayaasha deegaanka laakiin waxaan ku dari doonaa doorashooyinka madaxweynaha”, Ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka DFS.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray,”Dalkaani wuxuu aadey doorasho waxaana daliil ka ah wixii maanta ka dhacay Koonfur Galbeed gadaalna looma laaban doono inshalaah.”