DFS oo shaacisay inay ku talagalay uga qaybgashay shir ay Israa’iil ku qabatay Nairobi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar sheegayay in Safiirka Soomaaliya ee dalka…

1 June, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar sheegayay in Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, loogu yeeray Magaalada Muqdisho kadib markii uu ka qaybgalay shir Israa’iil soo agaasintey oo ka dhacay Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa sheegay in dowladdu ay si buuxda ula socotay ka qaybgalka safiirka ee Shirka iyo Bandhigga 6-aad ee Avocado Africa 2026, isla markaana aanu jirin wax khalad ah oo uu safiirku galay.

Wasiirka ayaa xusay in safiirka uu shirka uga qayb galay isaga oo gudanaya waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, maadaama kulankaasi uu diiradda saarayay arrimaha beeraha, ganacsiga iyo horumarinta wax-soo-saarka, halkii uu ka ahaan lahaa shir siyaasadeed ama mid la xiriira siyaasadda dibadda.

Cabdisalaam Dhaay ayaa caddeeyay in wararka la isla dhexmarayay ee sheegaya in safiirka loo yeedhay ama tallaabo laga qaaday ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo ku tilmaamay xog aan sax ahayn.

Hadalkan dowladda ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya si dhow ula socoto wararka la xiriira xiriirrada la sheegay inay ka dhex socdaan Somaliland iyo Israa’iil, kuwaas oo muddooyinkii dambe si weyn loogu hadal hayay warbaahinta gobolka iyo tan caalamka.