DFS oo shaacisay sababta mashruuca Bulsho looga reebay Maamulka Waqooyi Bari.

28 April, 2026

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay mashruuca Bulsho oo ay ku bixi soonto…


Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay mashruuca Bulsho oo ay ku bixi soonto lacag ka badan $30 million oo dollar laguna taageeri doono dowladaha hoose ee Magaalooyinka Soomaalida.

Mashruucaan waxaa $5 million oo kamid ah loo qoondeeyey Somaliland halka maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay qaadan doonaan min $6 million oo dollar, sida ku cad faaqidaadda mashruucaan.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ayaa lagu sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu ka horreeyey mashruucan laguna soo dari doono mashaariicda dambe ee ay hesho dowladda Somalia.