DFS oo sheegatay duqaymo ka dhacay buuraleeyda Cal-miskaad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa fulisay laba duqeyn oo…

2 June, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa fulisay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Khawaarijta ah ee ISIS-Somalia, kuwaas oo halis weyn ku ah amniga gudaha Soomaaliya iyo danaha saaxiibada caalamiga ah.

Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, iyadoo lagu beegsaday bartilmaameed 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Duqeyntii labaad ayaa dhacday 1-da Juun 2025, meel 72km u jirta magaalada Boosaaso dhanka koonfureed.