DFS oo sheegtay in nidaamka federalku yahay mid laga laaban karo xilli walba.

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa ku dhawaaqday inay qabsan doonto Magaalada Baydhabo uusanna jirin wax…

27 March, 2026

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa ku dhawaaqday inay qabsan doonto Magaalada Baydhabo uusanna jirin wax ka hortaagan inay la wareegto Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah Maamulka Jubbaland.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha-gudaha JFS, Xil.Saadaad Caliyow oo arrintaan ku nuuxnuuxsaday waxa uu sheegay in hanaanka federalku uu yahay waddo laga laaban karo dalkuna uu yeelan karo hal dowlad oo kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Kismaayo marba ciddi is abaabusha ayaa qabsata, saaka haddaan is abaabulno saacad ayaan ku qabsan karnaa, Baydhabo iyadu wey ka duwan tahay waa reero, wax aan heshiis lagu ahayn kama socon karaan, gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa Laftagareen”, Ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Arrimaha-gudaha JFS, Xil.Saadaad Caliyow.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray,”Nidaamku Federaalku waa tijaabo, haddii uu si fiican u shaqayn waayo asalkeena ayaan u laabanaynaa DFS ayaana dalka mas’uul ka ah.”