Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Puntland aysan weli waydiisan wax…

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Puntland aysan weli waydiisan wax kaalmo ciidan ah, si ay qayb uga noqdaan dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo wax laga waydiiyey balanqaadkii ay u sameeyeen Puntland, ayaa sheegay inaysan jirin wax dalab ciidan ah oo uga yimid Puntland, inkastoo ay siiyeen taageero dhanka cirka ah sida uu hadalka u dhigay.
”Puntland weli nama weydiisan ciidan laakiin caawimaad kala duwan oo kale ayaan siinay oo ay ku jirto xagga cirka”, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo golaha xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ay balan qaadeen inay taageero siin doonaan hawlgalka lagu soo afmeerayo kooxda Daacish ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.