Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weli ay gacanta ku hayaan dhaqaalihii loogu talagalay dhismaha wadada…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weli ay gacanta ku hayaan dhaqaalihii loogu talagalay dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Xarfo taas oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika. Mashruucan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah isku socodka iyo horumarinta dhaqaalaha deegaannada dhexe balse dib u dhac badan ayaa ka taagan fulintiisa.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee dowladda Federaalka Dr Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in lacagtii mashruuca ay weli taallo. Wuxuu sheegay in mashruucu uu ka mid yahay waddooyinka mudnaanta leh ee dowladdu qorsheyneyso, isagoo xusay in la hirgelin doono marka xaaladaha siyaasadeed iyo farsamo suurta geliyaan.
Khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa sabab u noqday inuu fulo mashruuca iyadoo Puntland ay ka hor timid qaabka dowladda u maareynayso dhismaha wadadan. Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay inay iyadu si toos ah u maamusho dhaqaalaha iyo shirkadda dhiseysa halka Puntland ay arrintaas ku tilmaantay faragelin taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.
Dhanka kale, shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa cabasho xooggan ka muujiyay dib u dhaca, iyadoo dhalinyaradu sameeyeen kacdoon algu dalbanayo in gobolka Mudug u baahan yahay mashaariic hormarineed.
Puntland ayaa ugu dambeyn jawaab ka bixisay cabashada shacabka, waxayna bilowday dhisme dayactir ah oo ka socda wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bacaadweyn taas oo ah qayb ka mid ah wadada weyn ee xiriirisa Gaalkacyo–Xarfo.



