DFS oo sheegtay inaan Somalia lagu sii maamuli karin hab-raaca C6+.

12 June, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay warqad rasmi ah u dirtay James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada…

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay warqad rasmi ah u dirtay James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, taasoo ku saabsan qiimeyn cusub oo la sameeyey oo ku saabsan hab-raaca C6+.

Dowladdu waxay sheegtay in C6+ uu abuurmay xilli dalku ku jiray marxalad nugul oo kala guur ah, halkaasoo hay’adaha caalamiga ah ay si ku meel gaar ah u koordineeyeen arrimaha Soomaaliya. Laakiin maanta, Soomaaliya waa dal madax-bannaan oo leh hay’ado dastuur ah, hanaan dimuqraadiyadeed oo kobcaya, iyo hoggaan isbeddel doon ah.

Sidaas darteed, dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa in sii wadidda C6+ aysan waxtar lahayn, xilligii loo baahnaa ay dhamaatay, isla markaana ay keeni karto niyad jab iyo liddi ku ah madax-bannaanida Soomaaliya. Waxaa la codsanayaa in lala shaqeeyo Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo qaab-dhismeedyo cusub oo rasmi ah sida iskaashi toos ah (bilateral cooperation), halkii laga sii wadi lahaa C6+.

Ugu dambeyntii, dowladda federaalka ah waxay ku adkaysatay sida ay uga go’an tahay wada shaqeyn dhow oo wax ku ool ah oo ay la leedahay dhammaan dalalka xubnaha ka ahaa C6+, iyadoo ku saleysan ixtiraam, wadaagista yoolalka, iyo xaqiijinta xaqa ay leedahay inay si madax-bannaan uga go’aan gaarto arrimaheeda gudaha.