Wasiirka Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta hortagay Aqalka Sare isagoo si guud uga…

Wasiirka Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta hortagay Aqalka Sare isagoo si guud uga warbixiyay xaaladda amniga dalka. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay bilowday qorshe ay ciidamo cusub kaga qorayso gudaha Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada kale laga qorayo magaalada Laascaanood kuwaas oo isna noqon doona ciidan hoos yimaada dowladda federaalka lagana soo xulayo gudaha Puntland balse lagu qorayo gudaha maamulka Waqooyi Bari.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xaqiijiyay in ciidamada PSF ay si rasmi ah ugu biireen ciidanka dowladda federaalka isla markaana loo bilaabay bixinta mushaarkooda.
Ciidanka PSF ayaa muddo shan sano ah aan wax xiriir ah la lahayn hogaanka Puntland iyadoo horay dagaal culus uga dhacay magaalada Boosaaso waxaana uu salka ku hayay awoodda iyo cidda maamuleysa ciidankaas oo marka loo soo magacaabay taliye cusub.
Warbixinta wasiirka ayaa imaaneysa xilli bishii hore ay dowladda federaalka si toos ah u siisay mushaar ciidamo ku sugan gudaha Puntland. Lacagtaasi ayaa markii hore loo marin jiray maamulka Puntland balse khilaafka labada dhinac ayaa sababay in dowladda dhexe ay si toos ah ula macaamisho ciidamada.



