DFS oo sheegtay inay howlgal ku dishay xubin sare oo ka tirsan Alshabaab

17 August, 2025

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka ay howlgal qorsheysan ku dileen Xuseen Macallin…

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xoogga dalka ay howlgal qorsheysan ku dileen Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, Howlgalku wuxuu ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle ee gobolka Bakool.

Xuseen Magaalabeen ayaa kooxda ku jiray in ka badan 15 sano waxaana lagu tilmaamay maskaxdii ka dambeysay weerarro iyo falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed gobollo badan oo dalka ah.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa sheegay in Xuseen uu soo qabtay xilal kala duwan oo kooxda ah sida madaxa dagaalka gobollada Baay, Bakool iyo Gedo madaxa sirdoonka gobollada Shabeellaha iyo Hiiraan iyo sidoo kale ku-xigeenka Faafinta afkaaraha xagjirka ah.

Dowladdu waxay sheegtay in horjoogahan uu qorsheeyay dhagarro iyo miinooyin lagu dhibaateeyay shacabka, isla markaana dilkiisu caddeyn u yahay go’aanka dowladda ee ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku warrantay in howlgalada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, iyadoo la beegsanayo horjoogeyaasha kooxda meel kasta oo ay ku dhuumanayaan, lana ilaalinayo badqabka shacabka.