DFS oo sheegtay inay ku soo wajahan yihiin Ciidamada Masar oo qayb ka ah AUSSOM.

26 August, 2025

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dowlad Masar ay tababar u soo gabagabeysay ciidamo loogu talagalay in loo diro Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doona howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), waxaana la filayaa inay dhawaan yimaadaan dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in cutubyada Masar ee tababarka dhammeystay ay si rasmi ah uga qeyb qaadan doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, Wasaaraddu waxay tilmaamtay in tani ay ka tarjumeyso taageerada muuqata ee Masar ay u muujisay dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa horey u ansixiyay in ciidamada Masar lagu daro howlgalka cusub ee AUSSOM, taas oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga Soomaaliya. Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muujineysa xiriirka amni iyo iskaashi ee u dhexeeya labada dal.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale si weyn u bogaadisay kaalinta Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacan ka geysanaya dhismaha hay’adaha amniga Soomaaliya. Waxa kale oo lagu ammaanay doorarka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta Al-Shabaab.