Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay fashilka…

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay fashilka wadaxaajoodyadii madaxda dowladda federalka ah iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in wadahadaladu fashilmeen kadib markii xubnaha golaha Mustaqbalku ku doodeen qabashada doorashada maamul goboleedyada saddexda ah ee waqtigooda dhaafay, taasi oo aysan doonayn DFS.
Dhanka kalena, Wasaaradda ayaa sheegtay in Golaha ay ajandaha shirka ku soo dareen qodob aan horay ugu jirin oo ku saabsan in ay talo ku yeeshaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid aan waafaqsanayn nidaamka dastuuriga ah.





