DFS oo soo saartay habraaca xulashada xubnaha barlamaanka Waqooyi Bari.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa qoraal ay soo saartay ku jaangoynayso hanaanka…

5 August, 2025

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa qoraal ay soo saartay ku jaangoynayso hanaanka doorashada xildhibaanada iyo madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Somalia.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Somalia Cali Yuusuf Cali ayaa lagu amray odayaasha dhaqanka inay soo xulaan 83-da xildhibaan ayna 30% siiyaan haweenka deegaamada maamulkaasi.

Wasaaradda ayaa amartay in musharixiinta xildhibaanada ee ragga ah ay bixiyaan $500 dollar halka dumarkana lagu amray inay bixiyaan $250 dollar kahor inta aysan ku biirin xubnaha barlamaanka cusub ee Waqooyi Bari.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli musharixiinta mucaaradku ay qaadeceen guddigii uu magacaabay wasiir Cali Xoosh oo ay sheegeen inay u xaglinayaan musharixiin gaar ah.