Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay kaga hortegayso duulaanka Onkod ee ciidanka difaaca…

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay kaga hortegayso duulaanka Onkod ee ciidanka difaaca dowladda Puntland ku qaadayaan buuraleeyda Cal-madaw ee gobolka Bari.
Qorshahaan oo ay gadaal ka riixayaan siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag, xiriir dhawna laleh DFS ayaa lagu doonayaa in cutubyo katirsan ciidanka SNA loogu daabulo gobolka Sanaag, si ay uga hortagaan dagaalka Puntland ku qaadayso kooxda Alshabaab ee ku sugan Cal-madaw.
Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ku biiray maamulka Waqooyi Bari Somalia, ayaa ka digey in ciidanka Puntland tagaan magaalada Laasqoray iyo duulaan lagu qaado kooxda Alshabaab, isagoo sheegay in dad gaar ah ku danaysanayaan dagaalkaasi.
“Deni wuxuu rabaa isagoo ku marmarsoonaya Alshabaab baa laga xoraynayaa inuu buurta Cal-madaw ciidan geeyo oo qabsado khayraadkana kala boxo, waana sababta aan u doonayno in halkaas la geeyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed ee SNA si ay u u ilaaliyaan khayraadka ku duugan”, Ayuu yiri Abwaan Cabdirashiid.



