DFS oo Turkiga ku ammaantay doorkiisa dowlad-dhiska Somalia.

27 February, 2026

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Somalia Daa’uud Aweys oo wareysi siiyay wargeyska Turkiga ee Cumhuriyet kadib barnaamij lagu…

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Somalia Daa’uud Aweys oo wareysi siiyay wargeyska Turkiga ee Cumhuriyet kadib barnaamij lagu qabtay xarunta isgaarsiinta madaxtooyada Turkiga, ayaa ku ammaanay Turkiga doorkiisa dagaalka argagixisada iyo dhismaha hanaanka diblumaasiyadeed ee Somalia.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia ayaa sheegay in Turkigu kaalin weyn ka qaatay in Somalia ka muuqato fagaarayaasha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobey, Midowga Africa iyo goobo kale oo muhiim ah.

“Soomaaliya waxay door weyn ku yeelatay fagaarayaasha caalamka ee Qaramada Midoobey & Midowga Afrika, waxaana sahlay iskaashiga aan la samaynay Turkiga”, Ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay in iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu muddo dheer socday, isla markaana gurmadka cusub uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, balse uusan xiriir toos ah la lahayn arrimaha la xiriira aqoonsiga Somaliland. Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay madaxweynaha Turkiga caddeynta uu ka bixiyay midnimada Soomaaliya.