Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay wax ay ugu yeertay beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo…

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay wax ay ugu yeertay beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, taasi oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku dhex maray beelo walaalo ah Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Wasaaradda ayaa ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo falalka beegsiga ah ee sababay dhimasho, dhaawac, gubid, dhac hantiyeed iyo sidoo kale barakac baahsan oo soo gaaray shacabka deegaanka.
Ugu dambayntiina wasaaradda ayaa ku goodisay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayaa dadka Baraha Bulshada ku faafinaya falalka foosha xun ee kicinta iyo iskudirka bulshada xambaarsan.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle inay door muuqda ka qaataan joojinta colaadda, adkaynta nabadda, xoojinta wada noolaanshaha bulshada iyo ka shaqaynta xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka jira.





